Adeegga bulshada
Social service
Adeegga arrimaha bulshada waa adeeg dadwaynaha oo idil loogu talagalay, waxaa na maamula maamulka degmada. Xeerka adeegga arrimaha bulshada waxaa ku xusan nooca caawinaadda aad codsan karto iyo adeegga maamulka degmada aad ka heli karto. Dadwaynaha dalka Iswiidan waxay caawinadda ka codsan karaan maamulka degmada ay degan yihiin.Adeegga arrimaha bulshada xil gaar ah ayaa carruurta, dhallinyarada, dadyoowga u dhibaataysan falxummada maandooriyeha, waayeelka, dadyoowga itaaldarran iyo dadyoowga qarabadooda daryeela ka saaran.